Qawaacidda Qoraalka Maqaal
By Fatah Muse profile image Fatah Muse
7 min read

Qawaacidda Qoraalka Maqaal

Qof walba oo sida wax loo qoro yaqaanna waa uu qori karaa maqaal, laakiin ma qori karo maqaal tayo leh. Sababtoo ah qoritaanku waa farshaxan.

Qof walba oo sida wax loo qoro yaqaanna waa uu qori karaa maqaal, laakiin ma qori karo maqaal tayo leh. Sababtoo ah qoritaanku waa farshaxan, si farshaxan tayo leh loo sameeyana waa in qofku yaqaanaa tiirarka uu ku dhisan yahay farshaxankaas.

Tirarka maqaalka:

Casrigan hada la joogo maadaama uu isticmaalka teknoolojiga aad u batay, qoraalka iyo ereyyada micno xooggan ayey sii yeesheen, hadeey noqoto in maqaal ahaan loo qoro, blog ama fikrad lagu dhiibto baraha bulshada. Awooda in la qoro maqaaal tafatiran oo dhameystiran, si fududna u gudbiya fariinta uu xambaarsanyahay waxey noqotay xirfad dahabi ah, sababtoo ah qofka xirfaddaas leh waxa uu fariimihiisa, fikradihiisa iyo qoraaladiisa gaarsiin karaa malaayiin qof, ama sheeko ahaan ha u qoro ama maqaal/macluumaad ahaanba. Waxaan maqaalkaan kuugu soo gudbin doonaa, tiirar aad muhiim ugu ah qoritaanka maqaal tayo leh, oo aan rajeynayo iney kuu noqdaan khad-hoggaamiyeedyo kuu suurtagilya inaad qorto maqaallo wax ku ool ah.

  1. Hammigaaga hel

Sidiisaba maqaalku wuxuu u curtaa fikrad ahaan, oo intaadan qalinkaba saarin warqada, waa fikrad maskaxdaada ku soo maaxda, oo noqota midaad ku hamido in aad wax ka qorto. hammigaaga saad ku heshana waa fududahay, oo waxaad ku hammido ood ka fikirto waxaad ka heli kartaa u kuurgal aad u kuurgasho hareerahaaga, iyo waxyaalaha nolol maalmeedkaaga saameeya, ama adoo u kuurgala noloshaadii ama waxyaalihi aad kuu soo saameeyay. Helitaanka fikrada hammigaaga ah oo dareen kugu abuurta waa talaabooyinka ugu horeeya ee maqaalka wax ku oolka ah, sababtoo ah hadii mowduuc aadan ku fekerin adiga ama xiiso aadan u heyn lagu yiraahdo maqaal ka qor, wey ka adagtay adoo maqaal ka qoraaya mowduuc ku xiisa galiya oo dareen kugu abuura, taasna waa mid ka dhaxeysa hal-abuurkoo dhan, marna isku mid ma noqdaan hal-abuur dareen lagu sameeyay iyo mid la iska sameeyay dareen la'aan. qodobadan soo socda waxeey kugu caawinayaan si aad mowduuc aad ku hammido oo ku xiiso geliya u hesho:

"maqaallada ugu wanaagsan waa kuwa la qoro waqtigooda."

  • Kuurgal badnoow: carbi hab fikirka maskaxdaada, oo noqo qof wuxuu arko su'aalo iska weeydiiya, jawaabtana raadsha. Raadi mowduucyada dhaqaajiya dareenkaaga oo ku xiisa galiya.
  • Akhriska badi: Si fikirkaaga iyo fahankaaguba uu u kordho, badi wax akhriska guud, akhri maqaalada iyo buugaagta tayada leh, waxaa inta badan dhacda waxaad heleysaa mowduucyo iyo fikrado kaa maqnaa oo aad wax ka qori karto, isla markaana aad ka faa'iidi kartid barahsada qaababke kala duwan eey qorayayaasha waxaad akhrineyso eey isticmaaleen oo fikrado cusub ku siiya, aqoonta guudna kuu kordhiya.
  • Sooyaalkaaga nololeed: Noqo mid ka war haya dhacdooyinka aduunka, iyo dhulkaad ku nooshahay, khaasatan mowduucyada ku xiiso geliya, maqaallada ugu wanaagsan waa kuwa la qoro waqtigooda.
  • Hal-Abuur: Fikirkaagu yuu ku hor istaagin oo caqabad kugu noqon, markaad maqaal qoritaankiisa curineysid, oo qor fikrad walba oo markaas kugu soo maaxata, marwalbana diyaar u ahoow inaad qorto fikir walboo kugu soo dhaca, adoo og hadhoow inaad dib ugu laaban doonto oo aad kala sifeeyn doonto, laakiin marka hore qor waxwalboo maskaxdaada ku soo dhaca, sababtoo ah waxaa dhacda in maqaal tayo leh ka soo boxo fikrad marki hore maskaxdaadu ey saluugsaneyd.
  1. Mowduuca
    1. Marka aad hesho mowduuc aad wax ka qortid, is weydii sadexdaan su'aalood, waqtina gali sidi aad uga jawaabi laheyd.
      1. Maxaa horey looga qoray mowduucan? maqaalo, buugaag iwlm
      2. Aragti ka duwan iyo fikrad cusub maku soo kordhin karaa mowduucan?
      3. Fikradaan soo kordhiyo amaba aragtideyda cusub ma noqoneysaa mid wax u kordhisa akhristaha maqaalkeyga?
    2. Mowduuca si guud adoo u gogoldhigaya, hadana ku dadaal sidii aad u soo koobi laheyd baaxadiisa, uguna soo koobi laheyd fikradda ama aragtida duwan ee aad ku soo kordhineysid, maqaalkana xiiso gaar ah u yeesha.
  2. Akhristayaasha:
    1. Sida mowduucu muhiim u yahay, waxaa iyana sidoo kale muhiim u ah in aad ka fikirto akhristayaasha aad qoraalkaaga la beegsaneyso, taasi waxey kuu fududeeneysaa habkii aad u qori laheyd maqaalka, ereyadii aad isticmaali laheeyd. Tusaale, haduu maqaalkaaga aad la beegsaneysid jiilasha hada soo baxay, waxaad ka dhowreysaa ereyada aad is leedahay ma fahmi karaan, hadii aad dareento in ereyadaas lama huraan yihiina, waxaa u raacineysaa raad hoose oo sharaxaya micnaha iyo ulajeedka ereyadaas.
    2. Waa qasab in aad aqoon u leedahay akhristaayaasha aad rabto inaad maqaalka la beegsato, oo aad baaritaan ku sameysay, aadna ogtahay waxa xiiso galiya iyo baahida ey qabaan, markaas uun baad haqab tiri kartaa baahida iyo xiisaha ey qabaan, adna aad ku heli kartaa dad badan oo akhrista maqaalkaaga, isla markaana ey u arki doonaan in maqaalkaagu wax u kordhiyey, maadaama ey fahmeen nuxurka maqaalka.
  3. Cilmi Baaris
    1. Qeybta ugu muhiimsan qoritaanka maqaal, waa sameynta cilmi baaris tayo leh, baar wixii maqaalo, buugaag iyo cilmi baarisyo hortaa laga qoray mowduuca, si fikrad saafiyoo horleh ula timaado, la hadal oo la sheekeyso dadka ku qotodheer mowduuca, si xog sax ah aad uga hesho.
    2. Iska xaqiiji saxnaanta iyo sugnaanta macluumaadka aad baarintaankaaga ku hesho, sida ugu fudud ee lagu ogaado maqaalka aan tayada laheyn waa in eey ka buuxaan xog xaqiiqda ka fog, oo isla markiiba la dereemayo in qofka qoray uusan galin waqti iyo baaris qoritaanka maqaalka.
  4. Cinwaanka Mowduuca:
    1. Marka ugu horeysa waxaa akhristaha u soo jiita oo ku qasba in uu akhriyo maqaal, waa aragtida cinwaan soo jiita oo xiiso galiya, maadaama cinwaanku yahay wajiga ugu horeeya ee maqaalka. Gali dadaal iyo fikir badan, oo haka dhigin cinwaan ereyada kuugu soo horeeya ee maskaxdaada ku soo dhaca.
    2. Cinwaanku in uu su'aal noqdo badanaa waa laga fiicanyahay, sida "Maxaa keena muranka?", taa waxaa ka haboon inuu cinwaanku noqdo "Sababaha Muranka Dhaliya", waa dhacdaa mar uu ku haboon yahay maqaalka cinwaankiisu in uu su'aal noqdo, laakiin ma badna.
    3. Cinwaanku ha ahaado "RUN" oo yuusan noqon wax loo hindisay kaliya in akhristaha lagu soo jiito oo been ah, sababtoo ah taa waxey keeneysaa kalsooni daro iyo ka fogaansho laga fogaado maqaalladaada, sababtoo ah been baa lagugu bartay, waana adagtahay sida qoraagu uga soo kabsadaa.
  5. Unugyada maqaalka:
    1. Waxaaa muhiim ah in aad raacdo hab-qoraalka maqaal ee aduunkoo dhan laga isticmaalo, kaasoo kala ah:
      1. Gundhiga maqaalka (Introduction), hordhacaasoo si kooban u sheegaya waxa maqaalku ku saabsanyahay iyo muhimadiisa. hordhacu waa inuu leeyahay:
        1. Weer soo jiidasho leh, oo damac iyo xiiso galisa akhristaha in uu sii akhriyo maqaalka.
        2. Dulmar, la dulmarayo mowduucu wuxuu ku saabsanyahay, iyo macluumaadka akhristuhu u baahanyahay si uu u fahmo maqaalka.
        3. Bayaan, weer bayaanineeysa ulajeedooyinka iyo nuxurka ugu muhiimsan ee maqaalku leeyahay.
      2. Hordhaca ka dib waa halbowlaha maqaalka (body), oo si xeel dheer u guda galaaya mowduuca, kaaso bixinaya tusaalooyin, cadeymo, iyo xigasho cilmi baaris ama diineed, iyo lafogurka mowduuca oo dhameystiran.
      3. Qeybta ugu dambaysa ee maqaal xirka (Conclusion), waa halkan goobta aad ku soo qaadaneyso mowduuci oo kooban, aadna ku soo bandhigeyso waxa aad rabto inuu ka qaato akhristaha qoraalkan, ama ha noqoto arin uu ka fikiro, ama mid uu ficil qaado, ama aqoon u siyaadday oo uu nolol maalmeedkiisa ku hormarin karo, waana qeybta ugu gaaban maqaalka inta badan.
  6. Isticmaalka Farqadaha (Paragraphs):
    1. Maqaalkaagu yuusan noqon mid isku wada xiran oo baalkoo dhan qaata. Si xeeladeysan ugu kala qeybi farqado oo marwalboo jihada aad akhristaha u wado is badasho, farqad cusub biloow, si ey ugu fududaato akhristaha fahanka, iyo akhriska maqaalka.
  7. Xadidaadda maqaalka:
    1. Maqaalkaagu haku xadidnaado mowduuca aad ka hadleyso, oo akhristaha marba mowduuc kale ha galin, sababtoo ah, taas wareer uun beey u keeneysaa akhristaha, wixii aad rabtay inuu fahmana, ma fahmi karo, akhrintana kuma raaxeysanayo.
  8. Farshaxan:
    1. Hadii ey kuu suurto gali karto waa muhiim, inaad farshaxan ku darto maqaalkaaga, farshaxanku ha noqdo muuqaal, maqaal, masawirro ama muuqaal xisaabeedyo sida (graphs) oo kale, labo midba waa ka faa'ideysaa taas:
      1. Farshaxanku muuqaalkuu xiiso u yeelaa, akhristuhu durbaba kuma caajiso.
      2. Farshaxanka qaarkiis waxey u fududeeneysaa akhristuhu in uu fahmo fikradda iyo xikmadda maqaalka ku jirta, markii uu arko iyadoo muuqaal ahaan loo dhigay.
  9. Xiiso geli akhristaha:
    1. Xiiso gali akhristaha si uu u dareemo inuu qeyb ka yahay maqaalka, hor dhig su'aalo maskaxda ka shaqeysiiya oo ku saabsan mowduuca, tusmooyin gaagaaban (anecdote) u soo qaado. Ku dar maqaalka macluumaad xaqiiq ah (compelling statistics) si akhristuhu uusan uga xiiso dhicin akhrinta maqaalka.
  10. Xagjir ha noqon:
    1. Xagjir nimadu waa inaad adigu fikirkaaga ku maquunisaa akhristaha oo aadan siin fursad uu isagu go'aan ku gaaro, maqaalkuna dhinac u janjeero ee uusan dhexdhexaad ahayn. Inta badan akhristuhu haduu dareemo xagjirnimada qoraaga, wuu ka fogaada maqaallada qoraagaas, sababtoo ah marwalba waxaa u cad maqaalkii uu ka akhriyay qoraagaas oo xagjirka ahaa, asxaabtiisa iyo dadka kalena in uu la wadaagaa dhacda, oo sumcadda qoraagaa halkaa ku burburto. Waxaa taa ka wanaagsan adoo yoolkaaga ku taagan, tus akhristaha tusaalooyin, macluumad xaqiiq ah oo mowduuca aad wax ka qoreyso taageeraya, dhinacyo badan uga sawir sababaha, mas'aladaha iyo dhacdooyinka. markaa waxaa ku abuurtey maskaxda akhristaha miraha fikradaada, akhristahana wuxuu fursad u helayaa in uu ka fikiro wuxuu akhristay, kadibna isagu go'aan ka gaaro, taasoo islamarkaas dareen galineysa akhristaha, kalsoonina uu ka qaadayo, maqaalkaaguna uu ku noqon doono mid raad ku reeba.
  11. Tafotir:
    1. Waa u muhiim in maqaalka la tafotiro intaan la daabicin, maqaal soo daaha, laakiin si saxa u qoran, waxa uu marwalba ka fiicanyahay maqaal dagdag lagu daabacay oo qaladdaad ka buuxaan.
    2. Hadii aad heli karto, samee labadaan tafotir ee kala duwan:
      1. Mid, waa ineey akhriyaan oo tafotiraan dhowr qof, hadii la heli karo, ama ugu yaraan qof luqadda aad ku qoreysid maqaalka ku xeel dheer, oo luqadda, hingaadda iyo naxwaha luqaddaba kaa sixi kara.
      2. Tafatirka kale oo isagana miisaaniyad weyn xambaarsan waa in uu akhriyo maqaalka qof ku xeel dheer mowduuca aad wax ka qoreysid, oo kaa sixi kara wixi macluumaad ahoo qaldan, amaba ku tusi kara si kaloo ka fudud saa u qortay oo akhristaha loogu sharixi karo, khaladdaadka cilmiyeedna kaa sixi kara.
  12. Tixraac:
    1. Ku darida tixraaca maqaalkaaga, waa xusidda iyo ixtiraamka qoraayada kale oo aad buugaagtooda, ama maqaaladooda aad fikrado ka soo amaahato, isla markaana waa haqabtirrida baahida akhristaha, haduu akhristuhu doonaayo fikradaha iyo daliilada aad adeegsatay in uu dabo galo, waxaad siineeysaa meesha uu ka heli karo. Hadii aad maqaalkale ama buug aad qoraal ka soo amaahato oo maqaalkaaga ku dartid, aaddanna ku xusin maqaalkaas ama buugaas qeybta tixraaca, waxa eey noqoneysaa xatooyo qoraal iyo fikrad qof kale ka soo maaxatey inaad taada ineey tahay aad ka dhigto mana wanaagsana.
    2. Maadaama inta badan hada kombiyuutarka wax lagu qoro oo interneetka la soo geliyo, tixraaca waxaad galin kartaa maqaalka dhexdiisa oo aad ka dhigi kartaa lifaaq (link) oo akhristuhu taaban karo oo beejkaas kale geeynaya.
    3. Hadii maqaalka ama buuga aad tixraacatay uu san ku jirin khadka (internetka) waxaad ku qori kartaa tixraacaaga, halka ugu hooseysa marka maqaalkaagu dhamaado, oo aad ciwaan uga dhigto "Tixraac" (Reference).
  13. Casriyeey Maqaalka:
    1. Hadduu maqaalku ku qoran yahay goob internetka, hadii uu isbadallo macluumaadka aad ku qortay maqaalka, inaad casriyeyso oo wixii soo kordhay ama is bedellay aad ku darto waa muhiim, maadaama maqaal sanado ka hor la qoray maanta wali laga akhrisan karo interneetka, waa faa'idooyinka ey soo kordhisay teknologiyadda internetka ee ka faa'iideeyso.

Talo:

"Magac iyo musiibo, maalin bey baxaan"

Soomaalidu waxeey tiraahdaa "Magac iyo musiibo, maalin bey baxaan", ee hadii aad wax qoreysid marwalba runta haku saleysnaadaan, si daacad ahna ugu bandhig akhristaha adigoo siinaya akhristaha fursad uu maskaxdiisa uga shaqeeysiiyo. Ka ilaali maqaalkaaga farqadaha ama ereyada isku micnaha ah oo waxyar uun ku kala duwan, maqaalka uun beey dheereynayaane, maqaalka wax kuma kordhinayaan. Tafotirka iyo sixidda culeys saar oo waqtigooda sii, sababtoo ah maqaal ey hingaadda ereyadiisu qaldantahay, waxey ka tarjumeysaa dadaal li'idda iyo fudeydka maqaalka lagu qoray, taasoo tayadiisa guud hoos u dhigeysa, xataa hadduu mowduuc tayo leh yahay.

By Fatah Muse profile image Fatah Muse
Updated on
AQOON-KORORSI