Balanta Iyo Muhimada eey leedahay
  • Home
  • Balanta Iyo Muhimada eey leedahay
By Fatah Muse profile image Fatah Muse
1 min read

Balanta Iyo Muhimada eey leedahay

Meeqa jeer yaad maqashay waqti/balan Afrikaan, ama Soomaaliyaa nahay anaga waqtiga kuma fiicnin? Waa hubaa in ereyadaas ama lagugu yiri ama adiguba aad isticmaashay, oo  aniga iyo adigaba waa ognahay in eey noqotay mid aan ogolaanay oon aqbalnay inaa nahay dad noocaas ah, oon balanta iyo waqti ku imaanshaha

Meeqa jeer yaad maqashay waqti/balan Afrikaan, ama Soomaaliyaa nahay anaga waqtiga kuma fiicnin?

Waa hubaa in ereyadaas ama lagugu yiri ama adiguba aad isticmaashay, oo  aniga iyo adigaba waa ognahay in eey noqotay mid aan ogolaanay oon aqbalnay inaa nahay dad noocaas ah, oon balanta iyo waqti ku imaanshaha eeynaan isku fiicneen, eeyna caadi noo noqotay ilaa heer eeynaan kuba fikirin xataa inaan wax ka qabano, sababtoo ah maba aragno ama lama sheekeeysano qof eey ka dhaadhacsantahay inaan wax ka qaban karno.

 

Marka su’aasha meesha taalaa waxeey tahay, goormaan saan noqonay, goormeey dhaqankeena noqotay in eeynaan waqtigeena iyo ka dad ka kaleba eeynaan ilaalin oo ixtiraamin. Ileen ma chihi karno waligeenaan saan aheeyn, sababtoo ah dhaqankeenu horana laguma hayo, islaanimadana aad beey uga dardaarantay ilaalinta waqtiga.  Waa hubaa in inteena badan aan ku soo caqliyeysaney iyahoo dadka hareeraheena joogo oon joogtada ula macaalmilno aah ka aragnay dhaqankaas, oo maalinki dambena markaan daahno ama aan balanti oofin weeyno aan is aragno anagoo marmarsiyadii isticmaaleyna oo leh, “War Soomaliyaa nahay waqtiga kuma fiicnine caadi is ka dhig”, anagoon marnaba is weeydiin sabab? Waa maxay sababta hadaan Soomaali nahay eeynaan waqtiga ugu fiicneeyn, waa maxay sababta hadaa nahay Afrikaan eeynaan waqtiga ugu fiicneeyn?

Muxuu ma dheeryahay dadka waqtiga ilaaliya oo ixtiraama? Muxuu Ilaaheey nasiin uu iyaga siiyay?

By Fatah Muse profile image Fatah Muse
Updated on
MAAN-KOBCIS