Aaden Cade International Airport,
  • Home
  • DALKA
  • Aaden Cade International Airport,
By Abdisalam Yasin profile image Abdisalam Yasin
4 min read

Aaden Cade International Airport,

Waa Abdisalan Soore oo ku soo biiray. Mahadsanidiin walaalaha fursada i siiyay  Warbixin kooban   Garoonka caalamiga ee Muqdisho waxaa albaabada loo furay sanadku markuu ahaa 1964tii.   Soomaali Airline waxa ay ahayd diyaarad ku asteesan qaranka Soomaaliya oo ka hawlgali jirtay wadanka Soomaaliya gudaha iyo dibadiisa intaba.   Wadamada ay duulimaadka ku

Waa Abdisalan Soore oo ku soo biiray.

Mahadsanidiin walaalaha fursada i siiyay 

Warbixin kooban

 

Garoonka caalamiga ee Muqdisho waxaa albaabada loo furay sanadku markuu ahaa 1964tii.

 

Soomaali Airline waxa ay ahayd diyaarad ku asteesan qaranka Soomaaliya oo ka hawlgali jirtay wadanka Soomaaliya gudaha iyo dibadiisa intaba.

 

Wadamada ay duulimaadka ku suubin jirtay Somali Airlines waxa ay ahaayeen 11 dal oo ay ka mid yihiin:

 

1.      Sacuudiga

2.      Jarmalka

3.      Masar

4.      Italy

5.      Imaaraatka

6.      Cumaan

7.      Yemen

8.      Sudan

9.      Kenya

10.   Tanzaaniya

11.   Itoobiya

 

Garoonka Muqdisho international airport waxaa duulimaadyo caalami ah ku iman jiray dayuuradaha kala ah:

 

v  Air Franca

v  Alitalia

v  Air falot

v  Egypt air

v  Yemenia Air

v  Saudi Arabia airline

v  Kenya airways

v  Golof air

v  Lufthansa

 

Ka dib, burburkii dalka oo ay burburtay dawladii dhaxe, waxaa wadanka aafeeyay dagaalo kuwaas oo sababay in uu xirmo garoonkii caalamiga ahaa ayna joogsadaan duulimaadyadii dalka dibadiisa iyo gudahiisa isaga kala gooshi jiray.

 

1992dii waxaa dalka dib u bilaawday flightyo caalamiga ah oo ay bilawday markii ugu horaysay ka dib burburkii dowladii dhexe, shirkadda diyaaradaha ee Daallo Airline, muddo yar ka dib dagaaladii oo dib uga qarxay dalka ayaa sahli waayay in ay suubiyaan flighyadii joogtada ahaa, waxa ay dib uga bilaabeen flighyadii garoonka Bali-Doogle, mudo yarna ka dibna waxaa ku soo biiray shirkadda diyaarada African Express.

 

 

 

 

 

Waxaa kaloo jiray shirkaddo maxali ah oo bilaabay duulimaadyo caalami ah shirkada Glios Air, ka dibna u xuubsiibatay Jubba Airway.

 

Duulimaadyada ay suubin jireen:

 

n  Nairobi

n  Dubai

n  Sacuudi Arabia

 

Intaas ka dib, sanadkuu markuu lahaa 2011 ayuu dib u bilawbay duulimaadyadii caalamiga garoonka Muqdisho International Airport waxaana loogu waqlalaly Adan Adde International Airport markaas oo uu wadanku madaxweyne ka ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

 

Turkish Airline:

 

 

Sanadku markuu ahaa 2012 ayay soo caga dhigatay diyaaradii ugu horeysay ee caalami ah ka dib dowladii dhexe taas ahayd diyaarada Turkish Airline, waa kale oo cusub ayaa u baryay garoonka caalamiga ee Adan Adde International Airport.

 

Turkish Airline, waxay dib u hanatay duulimaadyadii dalka dibadiisa loogu bixi jiray, waxa ayna abuurtay isu socod wadamada adduunka iyo dadkii Soomaaliyeed ee ku kala baahsanaa daafyaha adduunka in ay yimaadaan wadankoodii hooyo ayna soo booqdaan dadkoodii ay mudo kala maqnaayeen.

 

Shirkadu waxa ay suubisaa duulimaadyo maalinle ah ( 7 Cisho) oo ay ku timaado Adan Adde International Airport, waxa ayna qaadaa dad fara badan 150 qof ilaa 200 iyo wax ka badan.

 

Dadka isticmaala shirkadda Turkish Airline waxa ay ka kala yimaadaan wadamadda kala ah:

 

²  Egland

²  Wadamada laysku yiraahdo barwaaqo sooranka

²  North America

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ethiopia Airline

 

Sanadku markuu ahaa November 2018 waxaa bilawday flightkii ugu horeeyay ee Shirkadda Diyaaradaha ee Itoobiya Airline ay ku timaado waxii ka dambeeyay burburkii dowladii dhaxe ee Soomaaliya 1990kii.

 

Shirkaddu waxa ay suubisaa usbuucii 12 flight.

 

Dadka ugu badan ee isticmaala waxa ay ka kala yimaadaan wadamadda Yurub iyo North America.

 

Qadar Airways

 

1 July 2019kii ayay ahayd markii ugu horeysay oo ay soo caga dhigato gegida diyaaradaha ee Adan Abdulle International Airport diyaarad laga leeyahay dalka Qadar taas oo ah Qadar Airway.

 

Shirkadda Qadar Airways waa diyaarad caalami ah oo isu kala gooshta adduunka dalacadiisa, Soomaaliyana waxa ay ka mid noqotay wadamada ay duulimaadyada caalamiga ay ku suubiso waxayna timaadaa 4 maalin usbuucii.

 

Dadka ugu badan ee isticmaala diyaarada waxa ay u badan yihiin dadka ka yimaada wadamadda Yurub gaar ahaan wadanka Ingiriiska, tiro aan sidaa u badnayn ayaa ka timaada wadamada North America.

 

Inkasta oo ay jirin dad badan oo raaca diyaarada hadana waa ay suubisaa duulimaadyadeeda caadiga ahayd.

 

 

 

 

Fly Dubai Airways

 

Sidoo kale, shirkadda diyaaradaha ee Fly Dubai, ayaa qayb ka ah shirkadaha diyaardaha ee caalamiga ee fursada u helay in ay helaan duulimaad ay ku yimaadaan garoonka caalamiga ah ee Adan Adde International Airport.

 

Markii ugu horreysay oo soo caga dhigato burburkii ka dib dalka diyaarada FLY Dubai  ayaa ahayd 11 March 2013dii oo ay ku timaado flightkii ugu horreeyay oo ay dalka ku timaado.

 

Fursad fiican ayay u ahayd dadka Soomaalida ee u duuli jiray wadamada ay dhibaatada badan sida Hindiya oo dhibaayo ba’an ku qabay safarkooda.

Sidoo kale waxaa jira diyaarado ay leeyihiin shirkado maxali ah oo suubiya  duulimaadyo joogto ah oo u kala goosha dalka gudihiisa iyo dibadiisa:

 

 

Diyaaradaha dibada suubiya Nairobi - Mogadishu - Nairobi

 

 

1. Daallo Airlines

2. African Express

3. Salaam Air

4. Freedom Air

5. I-FLY Air

6. Primeir Air

7. Saacid Air

8.  

 

 

Diyaaradaha Sameeya flighyada Goboladda

 

1. Jubba Airways

2. Salaam Air

3. Saacid Air

4. Freedom Air

5. Hala Air

6. Blue sky

7. Fly National

8. Som Express

9. Star

10. Royal Air

11. Primier

12. Fly 24

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Gobollada ay ugu badan yihiin duulimaadyadu: (Galmudug) flight maalinle ah

 

1. Cadaado

2. Dhuusa-mareeb

3. Caabud-waaq

4. Koonfurta Gaalkacyo

 

 

Putland flight usbuuc leh

 

1. Waqooyiga Gaalkacyo

2. Boosaaso

3. Garoowe

 

Southwest usbuuc leh

 

1. Baydhabo

2. Dolow

3. Berdaale

4. Xudur

5.  

By Abdisalam Yasin profile image Abdisalam Yasin
Updated on
DALKA XAMAR